Breaking News

Wararkii ugu dambeeyey furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland


Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ee maanta uu si rasmi ah u furmi doono shirka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Somalia, Jubbaland iyo Puntland.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Wada-hadallada u dhexeeya saddexdan dhinac ayaa fadhigan kii ka horreeyay u baaqday shuruudo uu soo bandhigay Axmed Madoobe, taas oo keentay dib u dhaca.

Wararka ayaa sheegaya in haatan arrintaasi laga gaaray xal horudhac, kadib markii ay xalay kulan gaar ah qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *